Maxaa xigi doona digniintii ay beesha caalamka u dirtay dowladda Somalia?

eesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya ay soo saareen Warsaxaafadeed ay ku muujiyeen, walaaca ay ka qabaan go’aankii Baarlamanka Soomaaliya uu xilka uga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyo sida looga baahan yahay heshiis siyaasadeed oo laga gaaro nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa sanadka 2020-ka.

Beesha Caalamka waxay sidoo kale ka digtay nooc doorasho oo aan heshiis lagu wada ahayn oo la isku dayo in dalka laga qabto, sida lagu sheegay qoraalka.

“Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Haddaba waxa ay arrintani uga dhigantahay Soomaaliya iyo waxa laga filan karo bulshada caalamka haddii dowladdu ay ku adkaysato mowqifkeeda ayaa Ridwaan Xaaji Cabdiwali uu weydiiyay Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo Jaamacadda Oslo ee dalka Norway ka dhiga Xiriirka Caalamiga iyo siyaasadda, dhowaana kasoo shaqeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Exit mobile version