Puntland Oo Xabsi Dhigtay Saraakiil Ciidan.

Saraakiil katirsan ciidanka booliiska maamulka Puntland ayaa xabsiga la dhigay , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in saraakiishan loo heesto gadood dhawaan ay sameeyeen ciidamo katirsan booliiska Puntland.

Amar kasoo baxay taliska booliiska Puntland ayaa lagu xiray Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Labadan sargaal ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen gadood kooban ay sameeyeen ciidamo iyaga ka amar qaata oo katirsan booliiska Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolka Nugaal.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xariga loo geestay labadan sargaal ee katirsanaa booliiska maamulka Puntland, waxaana aad loo hadal hayaa xariga loo geestay labadan sargaal ee ka howlgalayay gobolka Nugaal.

Ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa mararka qaar sameeya gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana gadoodkaasi xiliyada qaar ku lug yeesha saraakiisha ciidamadaasi hogaamisa.