Qadar Oo Xulufada Sacuudiga kaga Guulaysatay Dacwad Uga Socotay Maxkamada ICJ.

Dowladda Qadar ayaa shalay guul taariikhi ah ka gaadhay kiis dacwadeed ka dhexeeyay wadamada Sucuudiga, Imaraadka, Masar iyo Baxrayn, kaasi oo la xidhiidhay xayiraadii dhinaca Hawada ee wadamadaasi ku soo rogeen Saddex Sanno ka hor.

Maxkamada Caalamiga ICJ ee Hegue ayaa diiday Rafcaan ay Xulafada Sucuudigu ka qaateen go’aankii Hay’adda Duulimaadyada Adduunka ICAO ee ahaa in ay xaq u leedahay in go’aan ka qaadato Xayiraado dhinac hawada ee lagu soo rogay wadanka Qadar.

Guddoomiyaha Maxkamada ICJ Cabdiwahaab Axmed Yusuf oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in 15 Garsoore ay ogolaadeen in Hay’ada ICAO ay awood u leedahay in go’aan ka qaadato khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar.

Hay’adda ICAO ayaa sannadkii 2018kii sheegtay inay xaq u leedahay in xukun ka soo saarto khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, hase yeeshee Imaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku gacan sayray iyagoo sheegay inaysan hay’ada ICAO awood u lahayn inay go’aan ka qaadato khilaafka dhinaca hawada.

Sannadkii 2017, Wamada Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad dhinac hawada iyo dhulka ah ku soo rogay wadanka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Wadanka Iiran iyo argagixisada Caalamiga ah, eedahaasi oo dowlada Qadar ay ku gacan saydhay.

Exit mobile version