Qofkii aan maaskara xirnayn waa laga saari doonaa aqalka wakiilada Mareykanka

Hogaamiyaha Aqalka wakiilada Mareykankaayaa amar ku bixisay in dhammaan xubnaha ka tirsan Aqalka Wakiilada iyo shaqaalaha ay xirtaan maaskarada iyadoo tirada dadka u dhintay faryraska korona ee dalkaasi ay hadda gaartay 150,000

Nancy Pelosi waxa ay ka dhigtay qofkii ku xadgudbaa amarkaasi laga saari doono dhimsha Aqalka.

Go’aankan ayay qaadatay ka dib markii xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Louie Gohmert, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo aan xiran jirin maaskarada laga helay cudurka covid19 Arbacadii.

Waxaa lagu waday inuu maalinkaasi safar la gala madaxweyne Donald Trump.