Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Rabshadaha Ka Socda Dalka+Warar Sheegaya Iscasilaada Wasiirkiisii Gaashaandhiga.

Addis(GNN):-Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay rabshadaha dalka ka socda iney la mid yihiin kuwii ka dhacay bilihi july 2018 iyo 2019 ee lagu doonayey in dhig badan lagu daadiyo.

Dr Abiy Axmed oo shacabka dalka Itoobiya farriin u diray ayaa sheegay in dilka fanaaka loo geystay uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayo in ammaanka dalka khalkhal lagu geliyo.

Inta ay rabshaduhu socdeenna waxaa ku dhintay 6 qof halka ay dad ka badan 70 ay ku dhaawacmeen.

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo shacabka dalka itoobiya farriin u diray wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay “dilka fanaanka inuu midnimada, iyo nabadda dalka itoobiya uu wax u dhimeyn balse uu sii xoojin doono si rabitaanka cadowga dalka Itoobiya uu u meel marin waa iney shacabka dalku gacmaha isqabsadaan” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Wuxuuna shacabka u ballan qaaday iney dowladdiisa baaritaanka qotodheer ku sameyneyn doonto dilkii fannaanka si ay gacan ku dhiiglayashi sharciga u hor keento.

Dhanka kale warar hadda soo baxaya oo bulshada baraha ku kulantaa aad u faafinayaan ayaan sheegaya inuu caawa iscasilay wasiirkiisii gaashaan dhiga dalka itoobiya.

Sabab aha iscasilaada wasiirkii Gaashandhiga Ethiopia Lamme Magarse ayaa timid kadib markii galabta Awoodii wasaarada gaashandhiga lagala wareegay oo Raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu sitoos ah xafiiskisa u hoos keenay wasaaradaha Gaashandhiga iyo amniga.

Lamme Magarse ayaa horey Madaxweynaha deegaanka Oromia u ahaa xiligii uu socdey kacdoonka Oromadu kaga soo horjeeday TPLF,

Marka dib loo eego halkii uu ka taagnaa siyaasadii kacdoonada badan dhalisay ee dawladii ka horeysay Abiye Axmed, Lamme ayaa wakhtigaas ka diiday dowlada dhexe inay ciidanka military-ga u isticnaasho kacdoon wadayaashii Oromada ahaa, sidoo kale maantana waxuu diiday aadna u dhaliilay isticmaalka ciidanka loo isticmaalay shacabka Oromada oo boqolaal la dilay.

Ma Jiro Ilaa Hadda War Rasmiya Oo kasoo Baxay dalka itoobiya khadka isgaadhsiinta iyo internetka oo ka go’an ilaa hadda markii ay rabshadahani bilaabmeen.Baahinta Warkan iscasilaada ayaa saacadihii ugu dabeeyey qabsaday baraha bulshada Facebook.

 

Addis ababa Ethiopia

Gabiley News Network

 

 

Exit mobile version