Real Madrid Oo Ku Guulaystay Koobka Horyaalka Spain

Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen Villarrea.

Real Madrid ayaa koobkeedii 34aad ee horyaalka LaLiga gacanta ku dhigtay, waxaana ku hoggaamiyey Karim Benzema oo laba gool dhaliyey, taas oo Los Blancos uga dhigan inay toddoba dhibcood ka horreeyaan Barcelona oo guul-darro xanuun badan ay u xambaarisay Osasuna.

Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa ayaa qaybtii hore ee ciyaarta gool la hormaray, waxaana u dhaliyey Karim Benzema, iyadoo qaybtii labaadna uu laacibka reer France gool rikoodhe ah dhaliyey, halka Villarreal ay gool madax ah oo aan waxba u tarin waqti dambe dhalisay.