Shacabka Suudaan Oo ka Banaan-baxay Isbadal Lagu Sameeyay Sharciga Khamriga.

Mudaaharaadyada lagaga soo horjeeday dawladda, oo ka kala dhacay masaajiddo badan salaadii Jimcaha ka dib, ayaa eedeeyn loogu soo jeediyay Dowlada oo ku tagri falaysa awoodeeda.

Shacabka Wadanka Suudaan ayaa dalbaday in xukunka laga tuuro Ra’iisal Wasaare Abdallah Hamdok.

Dowladda Suudaan ayaa todobaadkii hore meel marisay sharciyo dhowr ah oo baajinaya xayiraad kala duwan oo dhanka sharciga Isalaam-ka horeyne ay Xukuumadii Mr Al-Bashiir ujoojisay, oo ay ka mid ahayd mamnuucida Khamriga iyo xayiraada dharka Dumarka ee Goobaha la iskugu yimaado.

Exit mobile version