Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Oo Markii Ugu Horeysay U Sameysay Bulshada Jsl Qiimo Dhimis aad u weyn iyo Barnaamij ay Dhalinta kagaga Caawinayso Guurka.

Hargeisa(GNN):-Shirkada Isgaadhsiinta casriga ee Telesom ayaa Maanta Daahfurtay laba barnaamij oo Ay Shacabka Somaliland si weyn ugu diirsadeen, Waxaana labada barnaamij kala yihiin mid qiimo dhimis balaadhan ay ugu sameysay guud ahaanba dadka isticmaala Kaadhadhka shirkada telesom kuwaas oo bishiiba ku hadli kara lacag dhan 7 dollar iyagoo fariimaha SMS-ka ahina yihiin kuwo lacag la’aan ah, Waxaana qiimo dhimistani noqonaysaa tii ugu hooseysay ee ay sameeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland,taas oo ka saacidaysa in  bulsho badan oo dhibaato ku qabay in marwalba ay ku shubtaan prepaid ama ku hadal kaas oo dad badani iyagoo ku bogan danahooda ay markiiba ka dhammaan jirtay lacagtu, ama aaney u saamixi jirin in ay wakhti dheer ku hadlaan.

Barnaamijka Labaad ee ay maanta Shirkada telesom La Wadaagtay Shacabkeeda ay ah mid doorweyn ka qaadan kara in Guurka dhalinyarta somaliland oo walaac xoog leh qaarkood uga istaagay inay is guursadaan Sababo Dhaqaale daro darteed, waxaana shirkada Telesom balanqaaday inay shacabka somaliland ka taageeridoonto dhaqaalaha ku baxa dhalinyar badan oo isguursada iyo lixda bilood ee ugu horeeya oo ay ka balanqaadayaan in kirada guriga iyo Masaariifta ay ka bixin doonaan, kuwaas oo lagu kala xulidoono barnaamij bakhtiyaa nasiib ah oo loo dirayo kalmada fariinta ah ee Aroos Lambarka shirkada telesom oo ah 111.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.