Soomaali Walaac ka Muujisay Go’aan kasoo Baxay Dowladda Sacuudiga

Kumanaan muslimiin ah oo ku nool dalka Kenya ayaa sanadkaan aad uga walaacsan saamaynta uu cudurka Coronavirus uu ku yeeshay Xajka sanadkan, oo dowladda Sacuudiga ay sheegtay inaan loo ogolaan doonin dadka dibedda.

Dadka saamayntaasi dareemaya waxaa ka mid ah boqolaal Soomaali ah oo ku nool caasimada dalka Kenya ee Nairobi kuwaasoo bilihii lasoo dhaafay diyaar garoow ugu soo jiray inay sanadkaan soo gutaan xajka balse loo sheegay in sanadkaan ay dowladda Sacuudiga ay joojisay dadkii adduunka uga imaan lahaa Xajka.

Dowladda Sacuudiga ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay faafitaanka cudurka Coronavirus oo si weyn u saameeyey dalkaas iyo guud ahaan caalamka.

Qaar kamid ah Soomaali farabadan oo ku nool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya una diyaar garoobay aadista sanadkaan xajka,hayeeshee markii ay maqleen in sanadkaan sababo la xiriira Cudurka COVID-19 uu niyadjab ku dhacay,hayeeshee ay rajeynayaan in sanadka dambe ay aadaan.

Exit mobile version