Tartan Loo Galayo Boosas Shaqo Cusbitaalka Guud Hargeisa iyo Gudida Soo Kala Xulaysa Oo La Dhaariyey.

Hargeisa(GNN):-Kadib Cabashooyin soo noqnoqday oo ka yimid qaabka shaqo ee cusbitaalka weyn ee magaalada hargeisa waxay sababtay in meesha laga saaro dhammaanba maamulkii ka hooseeyey agaaasimaha guud ee cusbitaalka hargeisa, kuwaas oo ahaa madax qaybeedadii cusbitaalka weyn, waxaana hadda tartaran daah furan loo galayaa sideed booos oo ka banaanaaday dhakhtarka weyn ee hargeisa.

Maanta Waxaa Xarunta hay’ada Shaqaalaha Dawlada Lagu Dhaariyey Gudi loo xilsaaray soo kala xulista iyo kala saarista jagooyinka ka banaan dhakhtarka weyn oo dadka ku tartamayaa ay tiradoodu ka badan tahay ilaa shan boqol oo qof.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Warkan.