Telesom Tiriigii Siraaday Somaliland. W/Q:-Abdifatah Ali A/laahi.

Taabo galinta qorsheyaal tusmaysan oo ku jidaysan siyaasad toosan waata keentay maanta in dad badan oo aan fahan badan ka haysan hilinkii dheeraa ee ay soo martay shirkada telesom ay ku sheegaan waxyaabo aan caqliga bini aadamka gali karin.
marka aynu in yar dib u celino Maskaxdeena inagoo ka duulayna maraaxilkii qaranka somaliland soomaray iyo halkii laga soo bilaabay Waxaan odhan karaa shirkada telesom waxay tiir adag u ahayd talaabo kasta oo shacabka somaliland dhinaca horumarka u qaadayeen.

Dunida Casriga ah ee maanta Waxaan cidna daah ka saarnayn in dal kastaaba sida uu uga horumaray isgaadhsiinta iyo Technoolajiyada uu uga horeeyo dalalka kale ee iyagu ka danbeey ama aan helin fursadahaa isgaadhsiineed oo ku xidha ama ka reeba caalamka kale si ay isula jaanqaadaan.

Dalka Somaliland Shirkada Telesom Waa Shirkada kaliyaata ee halkii ugu hooseysay kala soo bilowday horumarka ka jira maanta iyadoo duruufo badan kala soo dabaalatay shacabka somaliland una dhabar adagytay maraaxil badan oo lasoo maray, marwalbana doorkeedu ahaa sidii shacabka somaliland ay ugu hirgalin lahayd adeegyo isgaadhsiineed mid internet iyo mid tiknoolajiyadeedba waxaana yoolka koowaad ee ay muwaadiniintii aas-aasay shirkada telesom ahayd sidii ay umadan ugu xidhi lahayd caalamka kale.

Ninba aragtidiisa halkii uu la aado ayuunbay ul ekoonaataye Uma qaadan qalinka inaan cid ku eedeeyo ama ugu jawaabo umana qaadan sidoo kale inaan shirkad ama cid gaara ugu guulwadeeyo, balse waxa igu dhaliyey markii aan arkay xaqiiqooyin badan oo daaha la saarayo ama ay jiri karaan dad badan oo aan waxba ka ogeyn duruufihii dal ahaan iyo dad ahaanba laga soo dabaashay.
Haddii aaney jiri lahayn aqoonyahan dalkooda iyo dadkooda jecel inay horumarinayaan baahiyaha kala duwan ee ka taagnaa wakhtigii somaliland ay u jihaysatay dhinaca dawladnimada iyo koboca dhismaha qaranka, ma aaney dhacdeen in bulshada somaliland ay maanta la jaanqaado jiilka tiknoolajiyada casriga ah ee dunida maanta ka jirta.
mana ay jirin dawlad awoodaysay inay bulshada u keento isgaadhsiin ku xidha dunida inteeda kale, Markii haddii ay u badheedheen dariiqaa dheer ka midho dhalintiisa sidii ay dalkooda ugu hirgalinlahaayeen isgaadhsiin iyo internet si fudud qofwalba ugu muraadsado oo ay yihiin muwaadiniintii ugu horeeyey Madaxda Shirkada Telesom ee dhaqaalahooda u huray hirgalinta ganacsi ka turjumadaya duruufaha bulshadoodu, maanta waxay mudnaayeen in looga abaal gudo, taariikhduna iyadaa xusta qofwalba waxa uu bulshadiisa kusoo kordhiyey iyo waxa uu hagardaaamo kusoo kordhiyo.
Bal muwaadin qiimee shirkada telesom marka aad eegto halka aynu kasoo dhaqaaqnay ee dhinaca tiknoolajiyada Guud ahaan Somaliland Ma Waxbay kusoo kordhisay kalidood ayaa faa’iiday, waxaan qabaa xaalad kasta oo lasoo maray in shirkada telesom ay wax aan la xaqirikarin kusoo kordhisay shacab iyo dawladba.
Ganacsade kasta oo reer Somaliland ah Marka aan xaqiiqada la isdiidsiinaynin Waynu wada ognahay midwalba waxa uu dalkiisa gashado iyo adeegyada uu bulshadiisa qiime macquula ugu keeno, waxaan aaminsanahay inaaney jirin shirkad telesom kagaga horeysay haddii ay tahay ka qayb qaadashada Masiibooyinka adag ee shacabka somaliland soo gaadha iyo duruuf kasta oo dalka ka dhacda, haddii ay tahay caawimooyinka danyarta, gacan qabashada ganacsatada, caawimooyinka waxbarashada, iyadoo intaasi oo tuulo ka hirgaliyey dhismayaal iyo goobo waxbarasho haddii ay iskuul tahay iyo haddii ay jaamacad tahayba, telesom waa shirkad faaiidada ay ka hesho adeegyada ay shacabkeeda kagaga dhex ganacsato ku celisa umadeeda lana qaybsata qaran iyo shacaba xaalad kasta oo soo waajahda. markaa walaalayaal waxaan kusoo afmeerayaa yeynaan noqon bulsho aan aan waxbadan ogeyn oo aan fikir iyo aqoon waafiya ku dabaqi karin hadba wixii indhahoodu qabtaan. balse adigu baadhis samee oo waxaad dib u milicsataa doorkii shirkada telesom soomartay iyo dariiqii ay qaranka somaliland ula soo jaan qaaday.
Allaa Mahad Leh.

W/Q:-Abdifatah Ali A/laahi.

Exit mobile version