Tiro Gaadhaysa Ilaa 166 qof oo Ku Dhintay Rabshadaha Ka Dhacay Dalka itoobiya.

Addis(GNN):-Ilaa 166 qof ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka dhashay dilkii loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa sida ay sheegeen Booliiska wadanka Ethiopia

Ku-xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Oromada Girma Gelam ayaa sheegay in 145 qof oo shacab ah iyo 11 Askari ay ku geeryiyoodeen rabshadihii ka dhacay caasimadda Ethiopia iyo gobolka Oromadda

Dad ka badan 170 qof ayaa dhaawacyo soo gaadheen halka dad ka badan 100 qof la xidhxidhay oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaraadka ah.

Fanaanka Hundeessaa oo ka soo jeeda qowmiyada oromada ayaa kamid ahaa mucaaridka xukuumada, waxaana la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu  ahaa mid qorsheysan.

Salaasadii ina soo dhaaftay ayey magaalada Addis Ababa ka bilowdeen kacdoono ay sameynayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi gaar  ahaan qowmiyada oromia. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi iyo taalooyin taarikhi ah.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia  Dr Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay dilka Fanaanka inay dilkiisa ka dambaysay dowlad shisheeye (iyadoo hadalkaana loo fasirtay ama loo macneynaysan karo  inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, 

Inta La Ogyahay wali ma jiraan warar Faahfaahsan oo kasoo baxay siyaasiyiinta uu ugu horeeyo horjoogaha qowmiyada oromia Maxamed jawar oo kamid ahaan kuwo loo  xidhxidhay arrinta  in maxkamad la horgeeyey iyo in kale, waxaana wali hawada ka maqan khadka isgaadhsiinta internetka oo ka go’an guud ahaan gobolada ay rabshadahani ka dhacayaan, taas oo hoos u dhigaysa helitaanka warar iyo xaqiiqooyin ku saabsan siday wax u dhaceen.

Addis Aababa Ethiopia

Gabiley News Network