Trump oo ku dhegan dawada aan la ansixin ee hydroxychloroquine

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale difaacay isticmaalka dawada hydroxychloroquine oo lagula dagaallamo cudurka korona, taas oo khilaafsan wixii ay ku talinayeen saraakiisha dowladdiisa u qaabilsan caafimaadka.

Wuxuu sheegay in dawadan loogu talagalay malaariyada, la diiday uun ka dib markii uu isaga ku taliyay in la isticmaalo.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii Twitter ay mamnuucday wiilkiisa curadka ah oo bahiyay muuqaal xayeysiinayay dawada hydroxychloroquine.

Ma jirto caddeyn muujineysa in dawadan ay u wanaagsan tahay bukaannada qaba cudurka coronavirus.

Hay’adaha xaqiijiya tayada dawada waxay ku digayaan in wadna xanuun laga qaadi karo haddi loo isticmaalo fayraska Covid-19.

Talaadadii, wuxuu madaxweyne Trump sheegay: “Waxa keliye ee aan kuu sheegi karo waa fikraddeyda, iyo wax ku saleysan akhrinta kala duwan iyo cilmiga ku saabsan arrintaas, waxayna ila tahay in ay aad ugu fiican tahay marxaladaha bilowga ee cudurka”.

“Uma maleynayo in wax dhib ah uu kaa soo gaarayo isticmaalkeeda, balse siyaasad ahaan, uma muuqato mid suuragashay.”

Wuxuu hadalka ku sii daray: “Marka aan talo ku saabsan shay soo jeediyo, waxay jecel yihiin in ay diidaan oo ay dhahan ha qaadan”.

Marka xaaladda guud ee Mareykanka la eego, madaxweynaha wuxuu sheegay in gafuur-xir badan iyo qalab kale la sameeyay iyo in 55 milyan oo qof laga baaray cudurka – “Marka caalamka kale loo eego waa midda ugu bdan”, ayuu yiri.