” Waxaan Shaqadeydi Uga Tegay Madaxweyne Trump Dartii “

Sarkaal sare oo ka shaqeynayay aqalka cad ee dalka Mareykanka, markii dambena laga eryay shaqadii uu ka hayay ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casilay shaqada ciidanka Mareykanka oo uu ka tirsanaa.

Korneyl Alexander Vindman ayaa qareenkiisa waxaa uu sheegay in uu cagajugleyn, aargudasho iyo dhibaato uu kala kulmay madaxweyne Trump, kadib markii uu Vindman ku markhaati furay Trump xilligii ay socotay dacwadii la doonayay in xilka looga qaado.

Dhibaatooyin uu sheegay in uu la kulmay sarkaalkan ayuu horseeday in uu isaga tego shaqada ciidanka.

Korneylka ayaa walaac uu ka muujiyay wicitaankii taleefonka oo dhexmaray madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukraine waxaa ay keentay in dacwad xil ka qaadis ah lagu qaado Donald Trump.

Haseyeeshee aqalka sare ee Mareykanka oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa meesha ka saaray dacwaddii loo heystay.