Wefti Culus Oo Ka Socda Masar Oo Diyaarad Gaar Ah Ku Yimid Somaliland

Hargeysa (Gnet) – Wefti ka socda Dawladda Masar ayaa Isniintii Doraad booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo ka koobnaa 9 Xubnood oo ka socday Wasaaradda Arrimaha dibedd ee Masar ayaa diyaarad gaar ah ku yimid Somaliland, waxayna joogeen hal Maalin, waxayna Dalka dib uga dhoofeen Salaasadii Shalay.

Lama oga ujeeddada Weftiga Masar ka socdaa ku yimaaddeen Somaliland, balse waxa Geeska Afrika loo sheegay inay kulamo la yeesheen Masuuliyiin sar-sare oo ka mid ah  Xukuumadda Somaliland.

Somaliland iyo Masar ayaa leh xidhiidh aan War badan laga haynin, waxaana sidan oo kale Sannadkii 2019-kii Somaliland u soo booqday Wefti Masaari ah oo uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenka Masar u qaabilsan Afrika, kaasi oo Magaciisu yahay Hamdi Loza.

Safarka uu wakhtigaa ku yimid Somaliland Weftga uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenka Masar u qaabilsan Afrika, kaasi oo Magaciisu yahay Hamdi Loza, ayaa daba socday Safar uu Dalka Masar ku tagay Wefti ka socday Somaliland.

Gabiley.net / Geeska.net