Ciyaartoyda sida ula kaca ah u qufaca oo loo taagi karo kaarka cas

Ciyaartoyda sida ula kaca ah ugu qufacda ciyaartoyda kale ama garsoorayaasha ciyaaraha ayay suurgal tahay in la siiyo kaarka cas, sida uu sheegeen kooxaha dejiya shuruucda kubadda cagta iyo xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska.

Golaha ururka kubadda cagta ee adduunka ayaa sheegay in arrintaas ay soo hoosgaleyso sida ‘ku kicidda fal dambiyeed iyo aflagaadaynba’.

Ururka wuxuu intaas ku daray in ‘dhammaan dambiyadaas ay tahay in garsooraha uu go’aan ka gaaro.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli dunida uu faro ba’an xanuunka safmarka ah ee feyraska korona.