Dadka Namibia oo looga digay inay saxarada maroodiga u isticmaalaan ‘daawada’ Covid-19

Wasiirka Caafimaadka Namibia Kalumbi Shangula ayaa dadka uga digay in saxarada maroodiga ay u isticmaalaan “dawada” Covid-19.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta dawo-dhaqameedka ayaa sheegay in saxarada maroodiga la isku uumin karo si la isaga daweeyo hargabka, madax xanuunka iyo dhiigga sanka ka soo dareera, balse saynis ahaan lama tijaabin arrintaas.

“Waxaan ka walaacsanahay dad aan daacad ahayn oo dadka kale ku qasbi doona inay lacagtooda ku bixintaan wax aan micno lahay iyagoo rajo ka qaba inay ku caafimaadi doonaan,” Mr Shangula ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Dalkan ku yaalla koofurta Afrika ayaa waxaa ilaa iyo haatan laga soo sheegay 4,464 oo kiisaska coronavirus ah iyo 37 dhimasho ah.