Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Duulimaadyada Caalamiga Ah Oo Dib Loo Furayo.

Muqdisho(GNN):-Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duullimaadyada caalamiga ah ee berri oo ah 03,da-August, 2020 furmi doonan iyadoo la tix-raacayo go’aankii ay ku oggolaadeen Golaha wasiirrada.

Warka kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa lagu sheegay in keliya loo oggolaan doono soo galista Soomaaliya dadka sita warqadaha cadeynaya in aysan qabin xanuunka Covid-19 oo ay soo qaateen 72 saac gudaheed, marka ay dalka soo galayaan.

Sidoo kale shirkladaha gaadiidka sida diyaaradaha, maarkiibta iyo gawaarida kasoo tallaabeysa xuduudda ayaa la faray iney hubiyaan macaamiishooda iney ku dhaqmayaan siyaasadda xakameynta Covid-19 ee Soomaaliya.

Berri oo Isniin ah, Soomaaliya waxaa dib u billaabmi doona duullimaadyadii caalamiga ahaa ee la joojiyay bishii Maarso ee sanadkan, si looga hortago khatarta xanuunka Coronavirus oo caalamka kusii fidiyay.