Khilaafka sahanka shidaalka badda ee Turkiga iyo Giriiga ma horseedi karaa dagaal?

Wargeysyada ka soo baxa dalalka Carabta ayaa ka hadlay suurtagalnimada ah in dagaal uu dhexmari karo Giriigga iyo Turkiga kaddib markii xukuumadda Ankara ay Markab sahan baaris ah u dirtay deegaanada xeebta ee lagu muransan yahay ee ku yaalla badda Mediterranean-ka, tallaabadaas oo Giriigga uu digniin ka bixiyay.

Markabka uu Turkiga u diray halkaas wuxuu caqabad ku yahay heshiiska ay gaareen Masar iyo Giriigga ee ku saabsan shidaal sahminta.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto.

‘Dagaal hub la isu adeegsado oo dhici kara’

Cali Al Sarraf oo ka howlgala wargeyska Al Carab ee uu fadhigiisu yahay London ayaa yiri “Madaxweyne Erdogan wuxuu doortay dagaal xilli uu ku dhawaaqay in meesha laga saaray heshiiskii uu la galay Giriigga, wuxuu howsha sahminta ka bilaabay xeebta bariga Mediterranean-ka, xitaa wuxuu howgal militari ka fulinayaa deegaanada ay ku muransan yihiin xukuumadaha Ankara iyo Athens”

Wuxuu qoraagu ka digay “Xilli bishii la soo dhaafay ay jirtay suurtagalnimada ah in dagaal uu dhaco, haatan waxaa sare u kacaya xiisadda xilli ay jirto suurtagalnimada ah in dagaal uu qarxo”

Wuxuu intaas ku daray “Erdogan wuxuu doonayaa in si madax banaan uu wax uga dhaadhiciyo si wadaxaajood loola galo dalalka deriska, wuxuu wajahayaa xaalad daran kaddib markii uu horey heshiiska u galay”

“Marka la eego Giriigga iyo Masar, wuxuu beeniyay in labada dal ay xaq u leeyihiin aagga ganacsiga ay ku leeyihiin badda Mediterranean-ka isla markaana uu murqihiisa soo bandhigayo si qof kasta uu ugu sheego in uu diyaar u yahay dagaal ka dhaca badda”

Khurshid Dali oo wax ku qora wargeyska kasoo baxa Imaaraatka ee Al Ceyn wuxuu sheegay “Waxa inoo horseedaya in aan rumeysano in dagaalka noocaas waxay tahay ‘istiraatiijiyadda duullaanka ee uu wado Erdogan’ istaraatiijiyaddaas oo ah midda wax badan holcineysa ee ku saabsan taariikhda kala aragti duwanaanshaha ee ka dhex taagan labada dal”

Maxamed Khaaruub oo isna faallo ku qoray wargeyska ka soo baxa Urddun ee Al Ra’I ayaa dhaleeceeyay doorka beesha caalamka ay ku leeyihiin xiisadda ka dhex taagan Turkiga iyo Giriigga,

“Gaashaanbuurta NATO waxaa curyaamiyay go’aanka Mareykanka oo ah in uusan soo faragalineyn xaaladda marka laga reebo in uu saarayo ‘qoraallo aan waxtar laheyn’ taas oo caddeyn u ah in Giriigga uu ka codsaday golaha arrimaha ammanka ee Midowga Yurub inay qabtaan kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo “Daandaansiga iyo khaladaadka Turkiga ee sare u sii kaceysa’

Madaxweyne Erdogan iyo Ra'iisul wasaarihii Giriigga Alexis Tsipras xilli Erdogan uu booqasho ku tegay Athens sannadkii 2017-kii
 

Wuxuu qoraagu intaas ku daray “Midowga Yurub ma lahan awood aan ka aheyn in uu Turkiga ugu hanjabo cunaqabateyn, waana sababta go’aankiisu uusan saameyn ugu lahaan karin NATO oo ah inay soo farageliso xiisadda ka dhex taagan labada dal ay ka dhexeyso cadaawadda taariikhiiga ah kuwaas oo aan laga saari karin raadadkii dhiigga ku daadatay ee qaddiimiga ah tan iyo markii ay dhacday maamulkii Constantinople ee “Markii dambe noqotay Istanbul” taas oo lagu riday duullaankii Cismaaniyiinta.

Turkiga ‘Guuleystaha’

Dhinaca kale, wargeyska Al Qudus Al Carabi oo oo ka soo baxa London ayaa qoray “Kaddib 12 wadahadallo oo ay yeesheen guddiga farsamada, dowladaha Masar iyo Giriigga waxay wada gaareen heshiis muujinayaan xadka badda Mediterranean-ka ee dalalkaas, waxaa arrintaas looga gollahaa in cadaadis lagu saaro Turkiga kaddib markii uu heshiis dhanka badda uu la galay dowladdii Libya, arrintaas oo xukuumadda Ankara ku tilmaantay mid aan wax faa’ido laheyn ‘oo aan waxbo ka jirin’ sababta oo ah ma jiro xad dhanka badda oo ay wadaagaan Giriigga iyo Masar”

Website-ka af carabiga wax ku qora ee Turk Press ayaa soo xigtay , Dr Xuseen Baggi oo ka tirsan jaamacadda Middle East Technical University ee ku taalla Ankara ayaa sheegay “Xukuumadda Ankara waxay leedahay awood militari iyo mid diblumaasiyadeedba taas oo ka dhigeysa dhinaca guuleysanayo marka loo fiiriyo wadahadallada ama xiisadda ka dhalatay bariga badda Mediterranean-ka”

Dr Xuseen Baggi wuxuu intaa ku daray “Xiisadda ka dhex taagan Turkiga iyo Giriigga lagama filayo inay isu baddasho mid militari” “Mareykanka iyo Midowga Yurub ma qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Turkiga, inkasta oo uu Giriigga qaaday tallaabooyin ka dhanka Turkiga isaga oo taageero ka raadsanayo Reer Galbeedka”

xigasho bbc