Koofur Afrika: Eedeysane loo haystay dilka haween oo isagii isku dilay xabsi dhexdiisa

Mid ka mid ah labo eedeysane oo loo haystay inay shan haween ah ku dileen gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koofur Afrika ayaa isku dhex dilay xabsi, sida ay booliiska u sheegeen BBC-da.

Eedeysanaha ayay ahayd inuu saakay ka soo muuqdo maxkamadda.

Dacwadda maxkamadda ayaase weli socota, iyadoo lagu qaadayo eedeysanaha kale. Labada eedeysane ayaa la soo xiray Jimcihii.

Meydadka shanta haweenka ah ayaa beer qasabku ka baxo oo ku taalla deegaanka Mthwalume laga helay intii u dhaxaysay April iyo August. Labo ka mid ah meydadka ayaa la helay toddobaadkii la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay naftooda u baqayaan, iyadoo howlgalka booliiska ee halkaasna uusan wanaagsaneyn.

Wasiirka Booliiska Qaranka Bheki Cele ayaa war-saxaafadeed ku yiri: “Booliis dheeraad ah ayaan geynay deegaanka si aysan dembiyadan oo kale u soo laaban, isla markaana ay haweenku badqad u dareemaan, waxaan sidoo kale halkaas ka sameynay xarunta adeegga bulshada oo wareegta si deegaankaas iyo kuwa kale ee ku xeeran ay u helaan adeegyada booliiska.”

Dadka deegaanka ayaa ku hor bannaan baxay maxkamadda – iyadoo qaarkood ay siteen boorar ay ku qoran yihiin “ma jirto damaanad, ku ur jeelka”.

Dadka ayaa aaminsan in dilka shanta haweenka ah uu ku lug leeyahay dilaa dad badan laayay amaba kooxo dad badan leysay. Booliiska ayaase sheegay inaysan haatan caddeyn karin arrintaas.

Mr Cele ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu la hadlo warbaahinta.