Maamulka Telefishanka Baddacas24 Tv Waxaa Uu Si Kulul u Cambaareynayaa Xadhiga Wariye Uga Soo Waramayey Gobolka Sanaag.

Hargeisa(GNN):-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Maamulka sare ee Telefishanka Madaxa bannaan ee Baddacas 24 TV, ayaa lagu cambaareeyey xadhiga lagula kacay wakiilka Telefishanka u jooga Magaalada Ceerigaabo Siciid Muuse Faarax.

Waxa lagu sheegay war-saxaafadeedkan in xadhiga Wariye Siciid uu ka hor imanayo xeerka saxaafadda Somaliland, Dastuurka Dalka iyo shuruucda la xidhiidha xeriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Saxaafada Somaliland.

Ciidamada Booliiska ee magaalada ceerigaabo ayaa maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 25ka bishan Augost, waxay xabsiga u taxaabeen Wakiilka Telefishanka ee Magaalada Ceerigaabo ka dib markii uu Telefishanka ka baahiyey warbixin la xidhiidha dayaca iyo darxumada ay ku sugan yihiin caruurta darbi-jiifta ee ku nool magaalada ceerigaabo. Taasoo ka cadhaysiisay xoghayaha dawlada hoose ee degmada ceerigaabo.

Maamulka sare ee Telefishanka madaxa bannaan ee Baddacas 24 Tv, waxa uu ugu baaqayaa Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Ceerigaabo inuu sida ugu dhakhsiyaha badan Xorriyadiisii ugu soo celiyo Saxafiga ah wakiilka Telefishanka ee Gobolka Sanaag Siciid Muuse Faarax (Siciid Qurbaawi)

Xadhiga lagula kacay Saxafiga ayaan ku iman sifo sharciga waafaqsan isla markaana aan ku iman waaran qabasho ah oo ka yimid Maxkamadaha Dalka.

‘ mar labaad, mar seddexaad iyo mar af-raadba, xadhigaasi waanu cambaaraynaynaa, waxaanan ugu baaqaynaa in sida  ugu dhakhsiyaha badan xorriyadiisii loogu soo celiyo Saxafiga Siciid Muuse Faarax ahna wakiilka Tvga ee Gobolada Sanaag oo maalintii labaad ku xidhan gudaha magaalada Ceerigaabo’ ayaa lagu soo gabagabeeyey Warsaxaafadeedkan. Waxana war-saxaafadeedkan ku saxeexan Agaasimaha guud ee Telefishanka Baddacas 24 Tv Mudane Axmed Cismaan Almis iyo Tifaftiraha guud ee Tvga Siciid Khadar aw-Cabdillaahi.