Masuuliyiin Loo Xidhxidhay Arrimo Musuqmaasuq iyo Madaxda Dawladaha Hoose ee La Filayo inay Galaafato Seefta Musuqmaasuqu, Halkan Ka Akhriso Xogo Muhiima.

Hargeisa(GNN):-Xukuumada Somaliland ayaa Sida Ilo Wareedyo lagu Kalsoonyahay Warbaahinta u xaqiijiyeen Waxaa ay Xabsiga u taxaabeen Masuuliyiin isugu jira kuwo ka hawlgalayey dawlada hoose degmada saylac iyo isuduweyaal u joogay qaar kamida wasaaradaha dalka, ay Shaqada ka joojiyeen Masuuliyiin Kala duwan oo ka hawlgalayey dawlada hoose ee degoomiyinka Berbera Burco, Borama iyo Laascaanood.

Waxaana Xadhigan iyo Shaqo Ka joojintani hordhac u tahay sida xogohu tibaaxeen Baadhitaano hor leh oo uu xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka somaliland ka bilaabay dhawaan Dawladaha hoose ee dalka iyo xafiisyada ay laamaha dawladu ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo qaabka baadhitaanadu ka duwanaayeen baadhisihii hore uu xafiiska hantidhawrku u sameyn jiray, Waxaana laga dhursugayaa Natiijada Kasoo Baxday Xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka oo ibo furi doonta masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawlada hoose iyo haayadaha kale oo xilalkooda ku waayidoona falal musuqmaasuq.

Masuuliyiintan Imika Qaar La Xidhxidhay Qaarna Shaqada Laga Joojiyey ayaa Waxay isugu jiraan shaqsiyaad ka shaqeynayey arrimaha  xisaabaadka, khasnadaha xarumaha kaydka iyo istoodhada, iyo sidoo kale masuuliyiin laga joojiyey saxeexii ay wax ku bixin jireen.

Inkasta oo aanu war rasmi ahi kasoo bixin Hantidhawrka Qaranka Haddana Waxaa ilo wareedyada aanu helay sheegayaan in baadhitaanadani ay galaafan doonaan masuuliyiin xilal ka haya dawladaha hoose dalka.