Shiinaha iyo Hindiya oo markale ku dagaallamay xuduudda

Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha inay ku xadgudubtay heshiiska xudduudda ee ay labada dal ku gaareen wada hadalladii nabadda ee ay dhowaan yeesheen.

Waxay sheegtay in ciidamada Shiinaha ay sameeyeen “dhoollatus milatari” si loo beddelo maqaamka Ladakh.

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhintay isku dhac gobolkaa ku dhex maray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha. Shiinaha ma aysan sheegin in askar ay kaga dhimatay dagaalka.

Labada dal ee haysta hubka nukliyeerka ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu heshiiska xadka ku xadbugbay uuna daandaansi dagaal wado.

Shiinaha weli kama uusan jawaabin eedeymihii ugu dambeeyay ee Shiinaha, oo imaanaya kaddib dhowr mar oo ay wada hadal nabadeed yeesheen labada dal tan iyo bishii June.

Maxaa dhacay June?

Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in ciidamadu uu isku dhac ku dhex maray buuro dhererkoodu yahay 4,300m (14,000ft), iyadoo qaar ka mid ah ciidamada Hindiya ay ku dhaceen webiga Galwan ee xowliga u socda, iyadoo heerkulka cimiladuna uu eber ka hooseeyay.

Ugu yaraan 76 ciidamada Hindiya ka tirsan ayaa la sheegay inay dhaawacmeen halka 20 kalena ay dhinteen. Shiinaha ma uusan shaacin khasaaraha gaaray ciidamadiisa.

Dagaalka ayaa dhacay iyadoo aysan labada ciidan heysan wax hub ah sababtoo ah heshiiskii 1996 ayaa mamnuucaya in hub iyo waxlaha qarxa lagu haysto aaggaas.

Maxay ciidamadu isugu dhaceen?

Xadka labada dal u dhaxeeyo ma aha mid si sax ah loo calaameyn karo. Waxaa halkaas mara webiyo iyo harooyin kuwaas oo hadba dhinac aadi kara.

Ciidamada ku sugan labada dhinac ee kala matalaya labada dal ee haysta ciidamada ugu badan adduunka ayaa dhowr jeer weji ka weji isaga hor yimid.

Hindiya ayaa Shiinaha ku eedeysay in kumannaan ciidamo ah uu u soo diray harada Galwan waxayna intaas ku dartay in Shiinaha haysto dhul dhan 38,000sq km (14,700sq miles) oo geyigeeda ka tirsan.

Dhowr wada hadal oo ay yeesheen soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaa lagu guul darreystay in lagu xalliyo muranka.

Labada dal ayaa keliya hal mar is dagaalay, sanadkii 1962, markaas oo Hindiya ay la kulantay guul darro weyn.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in laga yaabo in dhismaha waddooyinka ee ay Hindiya waddo uu ka careysiiyay Beijing.