Shirweynihii xisbiga Dimuqraaddiga oo xalay furmey

Habeenkii xalay ahaa waxaa bilowday shirweynihii xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka. Shirweynaha sanadkan ayaanan dadku hal meel iskugu iman doonin, iyada oo dhinaca internetka lagu wada xiriiri doono.

Xalay oo ahaa habeenkii u horeeyey, afar habeen oo uu shirweynuhu soconayo ayaa waxaa masraxa wadaagay dad ay ugu cad-cad yihiin guddoomiyihii hore ee gobolka Ohio John Kasich, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga oo isagu taageeray Joe Biden, taramaha matalaya xisbiga Dimoqraadiga, lana tartami doono Madaxweyne Trump. Michelle Obama, marwada madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Bernie Sanders oo ah ninkii tartanka kama dabmeysta ah ay iskugu hareen Joe Biden, is reeb-reebkii xisbiga Dimoqraadiga.

Dhinaca kale, madaxweyne D. Trump ayaa shalay kulamo dhowr ah ku qabtay magaalooyin ku yaalla gobolada Minnesota iyo Winconsin.

Goordhow ayaad dhageysan doontaan faahfaahinta shirkan.