Somaliland: Haweenka u ordaya xildhibaannimada oo ku doodaya in qoondo gaar ah loo xiro

Somaliland waxa maalmahan ka socda dood adag oo u dhegxaysa mudaneyaasha golaha wakiilada iyo haweenka doonaya in kuraas cayiman loo qoondeeyo si haweenka u tartamaya goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ay dhexdooda ugu tartamaan.

Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka ayaa ku doodaya in qoondada gaar loogu xidho qayb ka mid ah muwaadiniintu ay dastuurka ka hor imanayso, halka haweenkuna ay ku doodayaan qodobbo dastuuri ah oo ay sheegeen in uu ogolaanayo qoondada kuraas gaar ah.

Golaha wakiilada ee haatan jira oo ka kooban 82 xildhibaan, ayay ku jirtaa haweenay kali ah, taasi oo keentay in dumar badani u hanqal taagayaan inay doorashada soo socota ka qayb galaan tartanka goleyaasha kala duwan.