Somaliland: Wasaarad iyo Komishan Dowli ah oo cidda ay u shaqeeyaan ku socodiiyey qoraalo is-burinaya.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadks Somaliland, ayaa qoraalo is- burinaya u kala diray xarumaha caafimaadka iyo goobaha bixiya adeegyada caafimaad ee kala duwan, waxayna labadaas qoraal ee iska soo horjeedaa ay muujinayaan dhibaatooyinka ka dhex taagan Wasaaradaha iyo Komishannada ama Hay’adaha dawliga ah ee gaarka ah, shaqooyinkooda iska khuseeyaan dhinacyo kala duwan.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku saxeexan yahay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Mahdi Cismaan Cismaan Buuri Sheikh Mahdi Osman Buuri, soona baxay 27 July 2020, waxa uu ku socodsiiyey dhammaanba xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo uu ku amray inay muddo bil gudaheed ah Wasaaraddiisa kaga qaataan ogolaansho ay kaga shaqeeyaan gudaha Somaliland, isagoo qoraalkaas ku xusay in cidda fulin wayda awaamiirta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Luul Jirde Xuseen oo qoraal soo saartay 04 August 2020, kuna socodsiisay dhammaanba xarumaha caafimaadka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa ku sheegtay in goobta caafimaad, mihnadlaha caafimaad, dugsiga lagu barto caafimaadka ee ruqsad ka haysta Komishanka Mihnadlayaasha caafimaadka aanay u baahnayn wax ogolaansho dheeraad ah oo ay bixiyaan Hay’addo kale oo dowli ah ama gaar ahna, iyadoo qoraalkani u muuqdo inuu yahay mid Komishanka Mihnadlayaasha caafimaadku ku dabo socdaan qoraalka kale ee ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ee dalbaday in Wasaaradda laga qaado ogolaansho ay ku shaqeeyaan xarumaha caafimaadku.

Image may contain: text that says 'Jamhuuriyadda omaliland Wassaradda Horumarinta Caafimaadka Republic of Ministry Health Development The Vice Minister Re:MOHD/VM: 54 2020 Ku:Wasaaradda lorumarinta Manliyada Varfaafinta, eeyahay Wacyigalinta. Wacyigalinta Og:Wasiirka Wasaardda Og:Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka WacyigalintaJ aafimaadka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gaarka1ool Cafimaadku vahay. wargalineysaa dhammaan xarumaha Parmasiiva Shaybaadhada bukaanada( xarumaha badhitaanka aboratorics) degdega samaystaan ogolaanshaha Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland ogaysiinayaa Jamhuuriyada Horumarinta gudaheed bilaabmay waamirta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka hagaansam intalaabo ysiinayaa ogolaanshaha asaaradda Horumarinta xayasiis sarunta wasaaraddaH Caafimaadka omallland Development TheVice Minister Tell: 252 4840256 063'

Image may contain: text that says 'REPUBLIC SOMALILA NATIONAL PROFESSIONS COMMISSION HARGEISA JAMHURIYADDA SOMALILA KOMISHANKA QARANKA MIHNADAHA CAAFIMAADKA JMMAD:NHPC/GD/046/2020 Ku: Xarumaha Caafimaadka Gaarka Ku: Caafimaadka Dawliga Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Ku: Horumarinta Og: Wasaaradda Horumarinta Og: Wasaaradda Og: MadaxweynahaJSL Wargelin Dhamaan Xarumaha Caafimaadka hawlgala komishanka mihnadaha caafimaadka siyaasaydo bedbaadinaya bukaanka bixiyayaasha caafimaadka waajibkooda weynina hubiyaan mihnadlayaasha caafimaadka, xarumaha leeyahayba) caafimaadku Somaliland caafimaadka dugsiyada gaadhsiisan caafimaad kulliyadaha barashada muwaadinka khaladaad galaaftafayo bukaanka (disciplinary yagleelay Komishanka Mihnadaha Caafimaadka 19/2001 mihnadlayaasha caafimaadka odaamya goobaha goobaha waxbarashada caafimaadka aasaasan nidaamiya ahaadeene, caafimaadka ayaa 10aad 8aad laad, 2aad, 3aad, mihnadaha caafimaadka 9aad'

Image may contain: text

Image may contain: text that says 'rukhsaddaha hubinta warqada o'aaminta codsiyada goobaha adeegyada caafimaadka qabashada. Diiwaangelinta, rukhsadsiinta, bogaadinta mihnadaha/mihnadlaysha caafimaadka. Kormeerka qiimeynta hawl-gudashada mihnadlayaasha caafimaadka dadweynaha dhaqannada baal-marsan anshaxa wanaagsan. sharciyeynta halwlaha dhammaan ilaaliyo Iyada qodobadaa wargelinayaa dhamaan goobaha caafimaadka dhakhsaha diiwaangeliya Komishanka. vargelinayaa doonin shaqaalaha hawlgala goobahaa caafimaadka caafimadka goobta hawlgalyaar qaadato liisanka Fiiro Gaar ogolaanshiyo dheeraad ahama gaar goobta caafimaad, Mihnadlaha dugsiyada tababarka Mihnadaha Caafimaadku bixyaan hay dawli Alla NHPC Leftlese Luula Xusseen Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Mihnadaha Caafimaadka KOMISANKAQARANKAEE http://www.nhpcsomaliland.org'