Telefoonno fayras wata oo lagu iibiyo suuqyada Afrika

Aalad fayras wadata ayaa laga helay kumannaan telefoonnada gacanta ah oo lagu iibiyo suuqyada Afrika.

Shirkadda Upstream ayaa ogaatay in aaladdan laga helay ilaa 53,000 oo telefoonnada shirkadda Tecno ah, kuwaas oo lagu iibiyo suuqyada Ethiopia, Cameroon, Masar, Ghana iyo Koofur Afrika.

Shirkadda soo saartay telefoonnadaas Transsion told Buzzfeed ayaa sheegtay in fayraskaas lagu xiray iyadoo aan ka war qabin.

Upstream ayaa sheegtay in fayraskaasi uu saameeyay dadka ugu nugul ee uu dakhligoodu hooseeyo.

Aaladdan fayraska oo lagu magacaabo Triada ayay shirkaddu ka heshay telefoonnada Android-ka, iyadoo dadka isticmaalana aysan ogeyn.

Aaladdan oo telefoonnada uga diwaan gashan magaca xHelper ayay dadka isticmaala ay ka iibsadaan adegyada internet-ka.

Guud ahaan, Upstream ayaa ogaatay in ilaa 200,000 oo telefoonnada gacanta ee Tecno ah laga helay aaladdan fayraska wadata.

Transsion Holdings waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Shiinaha ee sameeya telefoonnada, Afrikana waa shirkadda ugu sarreysay ee iibisa telefoonnada gacanta.

Shirkadda Tecno Mobile oo eedeyntaasi ka jawaabtay ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay wax hore oo la xalliyay.

Exit mobile version