Wakaalada SOLNA oo turjuntay hadal uu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga ee Itoobiya.

Hargeisa(GNN):-Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland, ayaa turjumaad ku samaysay hadal uu maalmihii la soo dhaafay warbaahinta Itoobiya siiyey Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaasi, kaasoo dood badan iyo dareen diblomaasiyaddeed abuuray.
Hadalka Afhayeenka, ayaa warbaahin badan iyo dadka isticmaala baraha Bulshadu micnoyaal badan u sameeyeen.

Hase yeeshee sida lagu sheegay qoraal ay turjuntay Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa waxa lagu cadeeyey in la dhalan-rogay hadalka Afhayeenka Dawladda Itoobiya.
War qoraal ah oo ay SOLNA ka diyaarisay arrintaasi ayaa lagu yidhi sidan:
“Waxa siyaabo xaqiiqada ka fog loo marin habaabiyey, loogana been sheegay shirkii Jaraa’id ee uu 7-dii Bishan ku qabtay Addis ababa Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dini Mufti oo uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland.

Telefishanka Aljazeera ayaa ka mid ahaa Warbaahintii sida xaqiiqada ka fog u turjuntay Hadalkii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ay baahisay in inuu Somaliland ku tilmaamay qayb ka mid ah Soomaaliya, taasi oo gabi ahaanba aan ku jirin hadalka masuulkaas”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey in weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax Itoobiya dhib ku ah.”

Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn xor bay u tahay Masar inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.”