War Deg-Dega-Faahfaahinta Xubno Maxaabiis Alshabaab ah oo Ka Dhex Dagaalamay Xabsiga Muqdisho iyo Tirada Dhimashada.

Muqdisho(GNN):-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhinatay dagaal galinkii dambe ee maanta ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen hawlgal ay ka wadeen sacadihii la soo dhaafay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo koox ka tirsan maxaabista ku xiran inta ay hub qaateen ay dagaal la galeen illaalada xabsiga.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in lix kamid ah kooxdii maxaabiista ee dagaalka ku lugta lahayd la dilay isla markaana la dhaawacay lix kale. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay afar kale oo kamid ahayd maxaabiista dagaalka gashay.