Xoghayaha Dawlada Hoose Wajaale Ayaa Sanadka Cusub Ee Islaamka Ku Hambalyeeyay Shacbiga Reer Somaliland

Xoghayaha Fulinta Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa Ka Maamulka Iyo Ka Shacbiga Reer Wajaale,Waxa Uu Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaa Umadda Islaamka Gaar Ahaana Shacbiga Reer Somaliland Isagoo Ku Hambalyaynaya Curashada Dhalashada Sanadka Cusub Ee Hijriga 1442.

Xoghaye Cabdilahi Xasan Samaale Waxa Uu Si Gaar Ahaaneed Sanadka Cusub Ee Islaamka Ugu Hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland,Madaxweyne Ku Xigeenka,Golaha Wasiirada ,Baarlamaanka,Guurtida, Ciidamada Qaranka Iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland.Isagoo Ugu Duceeyay In Illaahay Sanadka Sanadkiisa Ku Gaadhsiiyo Bash Bash Barwaaqo Caafimaadqab Iyo Rajooyin Wanaagsan.

Exit mobile version