Talyaha Booliska Mashruuca Banka Wajaale Oo Lagu Amaanay Shaqada Uu Qaranka U Hayo

Wajaale(GNN)Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Oo Ku Sugnaa Mashruuca Banka Wajaale Ayaa Bogaadiyay Talyaha Mashruuca Banka Wajaale Laba Xidigle Maxamed Cali Cige.Wasiirka Beeraha Ayaa Masuulkan Ku Tilmaamay Mid Ka Soo Baxay Waajibaadka Shaqo Ee Qaranku U Igmaday Isla Mar Ahaantaana Ay Muhiim Tahay In La Dalacsiiyo Loogana Mahadceliyo Juhdiga Iyo Geesinimada Uu ku Muteystaybuu Yidhi Gudashada Shaqada Uu Ciidanka Booliska U Hayo.

Talyaha Booliska Mashruuca Banka Wajaale Laba Xidigle Maxamed Cali Cige Ayaa Mudadii Uu Haystay Ciidanka Booliska Ee Degan Mashruuca Banka,Waxa Uu Qaaday Dadaalo Dhawr Ah Oo Soo Jiitay Talyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hore U Amaanay Iyo Wasiirka Wasaarada Beeraha oo hada Ka Makhraati Kacay Dadaalka Iyo Firfricoonida Uu Laba Xidigle Maxamed Cali Cige Mashruuca Wajaale Ka Fuliyay.

Talaabooyinkan La Mahadiyay Ayaa Waxa Ugu horeeya In Laba Xidigle Maxamed Cali Cige Uu Mashruuca Wajaale Ka Taabagaliyay Qorshaha Lagu beeray Dalagyada Basasha Oo Lagu Guuleystay In Ay Soo Go’do Sido kale Waxa Uu Si Cajiib Ah Uga Hawlgalay Qorshaha Uu Daahfuray Talyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Ee Tababarka Ama Jareynta Fardaha Iyo Waliba In Uu Sugay Nabad-Galyada Iyo ilaalinta Dalagyada Kala Duwan Ee Beeraha Mashruuca Banka Wajaale.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET