Booliska Birmingham ayaa dhacdada toorriyeyntaasi ku tilmaamay ‘mid aad u weyn’

Dhowr qof ayaa lagu toorriyeeyey bartamaha magaalada Birmingham iyada oo ay booliska dhacdadaasi ku tilmaameen ‘dhacdo weyn”.

Booliska West Midland waxay sheegeen warka ku saabsan werarkaasi inuu soo gaaray qayaasti 00:30 fiidkii xilliga magaaladaasi, iyada oo waxyar kaddibna la soo sheegay weerar middiyo oo kale iney dhaceen.

Booliska magaalada Birmingham uu weerarka ka dhacay waxay sheegeen “tira dad ah iney weerarkaasi ku dhaawacmeen” balse ay hadda sheegi karin dhaawacyadaasi sida ay kala yihiin.

Duqa magaalada West Midland Andy Street wuxuu sheegay dhacdada iney xiriir la leedahay tii ka dhacday waddada Hurst Street in la eegi doono.

Wuxuuna sheegay ilaa iyo hadda inaan la garan ujeedka weerarkaasi laga lahaa. Maanta ayaana la filaya booliska iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaasi.

Dhacdada oo ay booliska ku tilmaameen mid weyn waxay sheegeen arrimaha noocan ah iney amniga bulshada khatar gelinayaan.

‘Naxdinta ka dhalatay’

Cara Curran oo dhacdada ka dhacday Arcadian Center goob joog u ahayd waxay sheegtay iney xilliga ay wax dhacayeen ay ahayd fiid ay aad u mashquulsanaayeen maadaamaa uu soo dhawaa xilliga uu billaabmayay bandowga habeenki.

Waxayna sheegtay shaqada iney u dhammaatay 00:30 saacaddu markay ahayd kaddibna ay saaxibbadeed la caweyneysay waxyar kaddibna ay maqashay “qaylo iyo buuq aad u badan”.

Waxayna intaa ku dartay: “Waxaan arkay dad badan oo gacan ku dagaallamaya, dadka goobaha lagu caweeya ku sugnaana waxay billaabeen iney dibadda u soo baxaan oo ay fiiriyaan sida ay wax u dhacayaan.

“Dadkuna waxay isugu jireen dumar, rag, dad waweyn iyo carruur noocwalba wey isugu jireen, xaaladduna wakhtigaasi mid caadi ah uma muuqan.”

“Wakhti badan ayaan ka shaqeynayaa goobaha khamriga lagu iibiyo habeenkina lagu caweeyo dad badan oo dagaallamaya waan arkay laakiin dagaalki xalay oo kale weli ma arag” ayey tiri.

“Waxyaabaha dhacay oo dhan waxay ku dhaceen xalay fiidki 3 saac gudahood, iyada oo istoorriyeyn, gawaari wax jiiraya iyo waxyaaba kale oo aniga naxdin igu abuuray oo dhacay aan arkay naxdin badanna ay igu abuureen” ayey tiri.

‘Dhacdooyinka taxanaha ah’

Duqa magaalada, Andy Street wuxuu sheegay taliyaha booliska inuu sharraxaad ka siiyeey wixi dhacay uuna u sheegay ‘dhacdada ugu weyn ee aan kala joogsiga lahayn iney ka dhacday agagaarka waddada Hurst.

Wuxuuna intaa ku daray: “Weerarkaasi ujeedka laga lahaa ilaa iyo hadda iey caddeyn. Aagga ay wax ka dhaceenna waxay ahaayeen kuwa xasiloon dadkuna waxaa loo sheegay iney danahooda gaarka ah ku mashquulaan iyaga oo taxaddar mujinaya.”

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo laamaha amaanka ayaa dhacdadan ka wada shaqeynaya, iyaga oo dadki dhawacmayna la gaarsiiyey isbitaallada si looga dabiibo.

“Waxaana weli socdo dadaallo lagu ogaanayo wixi dhacay, taasoo wakhti qaadaneyso in la ogaado wixi dhacay oo dhan.”

“Balse hadda lagama sii hordhici karo wixi dhacaya iyo waxa sababay dhacdadaasi.”

Xilliga ay dhacdadaasi dhaceysay dad badan ayaa goobaha lagu caweeyo ku sugnaa iyaga waddooyinka ku caweynayey maadaamaa weli aan la qaadin xayiraadihi ka dhashay Faayraska Corona.

Exit mobile version