Faahfaahinta Alle Haw Naxariistee Tirada Dad Ku Dhintay Dhisme Dumay Oo ka Mid yahay Mulkiilihii Lahaa Gurigaasi.

Wajaale(GNN):-Alle haw Naxariistee Waxaa ilaa hadda warar ka imanaya magaalada wajaale sheegayaa in khasaaraha ka dhashay dhismaha Xaruntan ganacsi ee kusoo duntay dadkii ka shaqeynayey iyo mulkiilihii meheradaasi ay gaadhayaan ilaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 11 qof oo kamid ahaa shaqaalihii waday hawsha dhismaha xaruntan, Waxaana bulshada degmada wajaale iyo ciidamada amaanku kasoo faqeen dhismaha hoostiisa dadkan dhaawacyada ah oo qaarkood halis yihiin.