Kismaayo: Qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay saldhigyo ciidan

Wararka ka imanaya degaanka Janaa Cabdalle oo ilaa 50km dhinaca Galbeedka ka xigta magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax uu maanta ka dhacay halkaasi.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida ay wax uga dhaceen. Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa VOA u sheegay in ciidamada amnigu ay fashiliyeen gaari noociisu yahay Toyota Surf oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Dhinaca maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qarax is miidaamin ah la beegsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka. Ilaa haatan ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa toddobaadkan dib u qabsaday degaanka Janaa Cabdalle

Exit mobile version