Madaxweynaha Kenya oo amray in la soo caddeeyo halka ay ku baxday lacagtii Covid-19

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amray wasaaradda caafimaadka inay soo daabacdo dhammaan caddeymaha la xiriira sida ay dowladdu wax uga qabatay xanuunka Covid-19.

Dokumentiyada la soo daabacayo waa kuwa ay hayso Hay`adda Gaarsiinta Dawooyinka (Kemsa) ee ay dowladdu maamusho.

Amarka madaxweynaha ayaa jawaab u ah wararka sheegaya in si khaldan loo isticmaalay lacagaha deeqda ee loogu talogalay wax ka qabashada coronavirus.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa bilaabay baaritaan ay ku hayaan eedeymahaas.

Madaxa Kemsa ayaa toddobaadkii hore u sheegay baarlamaanka in amarka sida deeqdaasi loo isticmaalayo uu ka yimid Wasiirka Caafimaadka Mutahi Kagwe iyo xoghayaha wasaaradda Susan Mochache.

Wasiirka iyo xoghayaha ayaase beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.

“Wasaaradda Caafimaadku, waa inay 30 maalmood gudahood, la timaaddaa hab cad oo dhammaan dokumentiyada Kemsa looga heli karo online-ka,” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlayay shir Covid-19 ku saabsan oo uu la yeeshay barasaabyada gobollada Kenya.

Exit mobile version