Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay xaaska madaxweynihii hore ee Gambia

Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay Zineb Jammeh, xaaska madaxweynihii hore ee Gambia, Yahya Jammeh.

Zineb waxaa la rumeysan yahay inay ka qeyb qaadatay musuqmaasuqa lagu kacay 22-kii sano ee uu ninkeedu madaxweynaha ka ahaa dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika, sida ay sheegtay waaxda arrimaha gudaha Mareykanka.

Yahya Jammeh ayaa Gambia xukumayay in ka badan 20 sano. Wuxuu u baxsaday oo uu haatan ku nool yahay dalka Equatorial Guinea kaddib markii dloorashada looga guuleystay sanadkii 2017.