Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Shalay Fooda Ay Isku Dareen , Madaxweyne Biixi , Saylici , Wasiir Seed Iyo Wasiir Saajin

Kulan garnaqsi siyaasadeed ah oo dabada ku haya xaaladda xisbiga KULMIYE ayaa shalay qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhex Maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo kulankaasi u dhuun daloola ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Kulankaasi shalay galinkii hore ka qabsoomay Madaxtooyada iyada oo ay isku wajaheen Wasiirrada Beeraha, Ganacsiga, Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynuhu iyada oo laga hadlayay xaaladda xisbiga KULMIYE gaar ahaan garnaqsi la sheegay in Madaxweynuhu ugu yeedhay labada Wasiir iyo Madaxweyne ku xigeenka oo kasoo wada jeeda Deegaanka Gobolka Awdal lagagana hadlay damaca saddexdaasi masuul ka haya mansabka Guddoomiye ku xigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE.

Xogahani waxa ay tibaaxeen in Kulankan masuul kastaa uu watay xidhihiisa oo la sheegay in Madaxweynuhu hore ugu garnaqsaday in xubin kastaa keeno qof uu kalsooni ku qabo oo la ogaada kulankaasi si ay uga wada xaajoodaan arrinka musharaxnimada waxaana ilo-wareedyadani noo xaqiijiyeen in Madaxweyne ku xigeenka uu kulankaasi ku wehelinayay Abubakar Xaamud Jibriil iyo Wasiirka Caafimaadka, halka uu Wasiir Saajin kulanka u soo kaxaystay Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Camuud. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa isna kulanka keensaday Professor Aanay noo suurto galin in aanu magaciisa helno oo ka mid ah macallimiinta waaweyn ee Jaamacadda Camuud.

Lama oga natiijada kulankaasi waxayse xogahani hoosta ka xariiqeen in uu daarnaa qorshe uu Madaxweyne Muuse Biixi si cad u watay oo ah in uu dhisayo Wasiir Maxamuud Xasan Sacad Saajin taasi oo la sheegay in ay cadho galisay Madaxweyne ku xigeenka oo la filayo sida xogahani sheegeen in uu ka baaqsanayo ka qayb galka Shirweynaha KULMIYE iyada oo xogahani noo xaqiijiyeen in dib loo ballamay Maalinta Sabtida ee soo socota.

Ilo-wareedyo madax bannaan oo kulankaasi ka ag dhawaa waxa ay noo xaqiijiyeen in la filayo in Madaxweyne ku xigeenku cadho kaga maqnaado shirweynaha KULMIYE lamana oga in uu dalka kaga bixi doono safar la sheegay in uu Dubai ugu baxo iyo in kale oo uu negaan doono. Iyada oo laga dhur sugi doono kulanka dambe ee loo ballamay maalinta Sabtida inkasta oo kulankii shalay is af garan waa uu ku soo dhammaaday.

Saacadaha soo socda ayaa la ogaan doonaa natiijada rasmiga ah ee kulankaasi ka soo baxday iyo waxa uu ku soo dhammaaday iyo halka uu salka dhigo kursiga loollanka ka dhex abuuray siyasiyiinan reer Awdal iyada oo ay layaab noqotay in kulankii shalay Madaxweynuhu ugu yeedho Wasiirkiisa Beeraha oo horeba guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE ugu sheegeen in uu ku hadhay shuruudo ay ku xidheen.