Maxkamada Gobolka Gabiley Ayaa 7Cisho Rumaan Ah U Jartay Afar Ka Tirsan Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Hanti-Dhawrku Soo Eedeeyay

Gabiley(GNN) Maxkamada Gobol Degmo Gabiley Ayaa 7Cisho Oo Rumaan Ah U Jartay Afar Masuul Oo Maalintii Khamiistii Doraad Ay Xidheen Hanti-Dhawrka Guud Ee Qaranka Kuwaasi Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley.

Masuuliyiintan Maanta Maxkamadu Rumaanka U Jartay Ayaa Kala Ah Agaasimayaasha Waaxaha Maaliyada Iyo Arimaha Bulshada Dawlada Hoose Iyo Sido Kale Mushaar Bixiyaha Iyo Shidaal Bixiyaha Dawlada Hoose Ee Gabiley.

Waxa Saaka Maxkamada Lagu Arkayay Ciidamada Booliska Oo Hareeraha Ka Socda Masuuliyiintan Oo Ay Horkacayaan Qaar Ka Mida Masuuliyiinta Hanti-Dhawrka Ee Dacwada Ku Oogaya.

Warbaahinta Oo Masuuliyiinta Hanti-Dhawrka Waxka Waydiisay Xadhiga Shaqaalahan Ayay Sheegay In Ay Wali Ku Gudo Jiraan Baadhitaanada Iyo Xaqiiqo Raadinta Arimaha Loo Haysto Oo ay Dib Ka Sheegi Doonaan Xogta Soo Baxda.

Reporter Jacfar cawil Hereri