Muxuu ka dhigan yahay go’aanka lagu kala dirayo baarlamanka Kenya?

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya David Maraga ayaa Isniintii sheegay inuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta u gudbiyay inuu kala diro Xildhibaanada baarlamanka dalkaas.

Gudoomiye Maraga ayaa sheegay in baarlamanka Kenya uu ku guuldarraystay inuu meel mariyo tirada qoondada dumarka Kenyan-ka ee baarlamanka kuwaasoo hadda ah 76 Xildhibaan.

Garyaqaanadda dalka Kenya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay si dhow ula socday ayaa sheegaya in tallaabadda uu qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya ay tahay mid sharci ah oo ku qoran dastuurka Kenya.