Sudan: militariga oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

Golaha Difaaca iyo Amniga dalka Sudan ayaa maanta ku dhawaaqay saddex bil oo xaalad deg deg ah, ka dib markii fatahaado sanadkan ka dhacay Sudan ay dileen 99 qof, sidaasi waxaa ku warrantay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Wasiirka Shaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada Lena el-Sheikh, ayaa sheegtay in daadadka sannadkaan ay sidoo kale ku dhaawacmeen 46 qof halka in ka badan nus milyuun qofna ay ku khasaareen daadka.

Roobabka sanadkan ka da’ay Sudan ayaa ahaa kuwii ugu badnaa tan iyo sannadkii 1946-kii.

Wali waxaa laga cabsi qabaa in ay da’aan roobab kale oo hor leh oo khasaara culus sababi kara.

REUTERS

Exit mobile version