Weriye Kenya ka soo jeedda oo ku guuleysatay abaalmarinta BBC-da ee Komla Dumor

  1. Victoria Rubadiri oo ah weriye ka soo jeedda Kenya ayaa sanadkan 2020 ku guuleysatay abaalmarinta BBC-da ee Komla Dumor.

    Rubadiri ayaa u shaqeysa telefishinka Citizen TV ee Kenya, iyadoo soo jeediye ka ah barnaamijyada waaweyn ee telefishinka.

    Waa weriye xirfad sare leh waxayna siyaasadda iyo arrimaha taagan ka wareysatay shakhsiyaad caan ah.

    Abaalmarintan ayaa loogu talogalay in lagu xusuusto Komla Dumor, oo barnaamij soo jeediye ka ahaa BBC World News, kaas oo si kedis ah ku dhintay sanadkii 2014 isagoo 41 sano jir ahaa.

    Rubadiri waa weriyihii lixaad ee abaalmarinta ku guuleysata, waxaa hore ugu guuleystay Solomon Serwanjja, Waihiga Mwaura, Amina Yuguda, Didi Akinyelure iyo Nancy Kacungira. Waa weriyihii labaad ee Kenya ka soo jeeda oo abaalmarinta ku guuleysata.

    Rubadiri ayaa bilaabi doonta saddex bilood oo ay la shaqeyn doonto BBC-da, iyadoo tababarka BBC Academy ka qeybgeli doonta kahor kahor inta aysan ku biirin kooxda BBC News – ee telefishinnada, raadiyaha iyo online-ka, si ay khibrad uga dhaxasho qaabka ay u shaqeyso BBC-da.

    “Waan ku faraxsanahay inaan xirfad cusub ka barto BBC-da si aan ugu adeego dhegeystayaasha gudaha, gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo aan loo eegeyn halka sheekada lagu gudbiyay.” ayay tiri.

    Waxay qareennada kaga yaabsatay qaabka ay sheekooyinka Afrika ugu tebiso warbaahinnada caadiga ah iyo baraha bulshada.

    “Waan ku faraxsannahay inay nagu soo biirto Victoria si ay xirfaddeeda iyo hibadeeda uga faa`iideyso BBC-da,” ayuu yiri Jamie Angus, Agaasimaha BBC World Service.