Aabbe Sacuudiyaan ah oo baraha bulshada soo dhigay isagoo gabadhiisa garaacaya oo la xiray

Dowladda Sacuudiga ayaa shalay xirtay aabbe la sheegay inuu baraha bulshada soo dhigay muuqaal aad la iskula wadaagay, kaas oo muujinaya isaga oo gabadhiisa yar garaacaya.

Afhayeen u hadlay booliiska oo ku sugan Maka ayaa sheegay in ninkan oo ku jira da`da 40meeyada, uu iska duubay muuqaal isaga oo garaacaya gabadhiisa.

Muuqaalka oo labo daqiiqo iyo 19 seken ah ayaa laga arki karay gabadha oo xabadka u jiifta. Aabbaheed ayaa garaacaya, waxaa laga maqli karay iyadoo oyneysa kana baryeysa inuu joojiyo.

Inkastoo aysan weli maxkamaddu xukmin in kiiskan uu la xiriiro tacaddiyaha lagula kaco haweenka iyo gabdhaha, haddana waxaa dalal badan ka dhaca tacaddiyo ay gabdhaha kala kulmaan xubno qoysaskooda ka tirsan.

Bishii July, dibadbaxyo ayaa ka dhacay dalka Jordan ee ay Sacuudiga deris yihiin, kaddib markii uu aabbe dilay gabadhiisa.

Exit mobile version