Maayerka Gabiley Ayaa Tacsi Ka Diray Geerida Ku Timid Marxuum Cali Khaliif Galeydh

TACSI MAAYER:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Duqa Degamada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi Ayaa Tacsi U Direy Geerida Shucuubta Soomaalida Taabatey Ee Marxuum Pro. Cali Khaliif Galeydh.

Gabiley-(D.H.D.G)- 08-10-020-()- Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley ahna Duqa Degamada Gabiley Md: M-aamiin Cumar Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya afka golaha, ka maayernimo iyo kiisaba waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u direy dhamaan umada Soomaalida ah gaar ahaan Reer Somaliland oo uu ka baxey odey weyn, Marxuum Pro. Cali Khaliif Galeydh oo “AUN” ku geeriyoodey magaalo-madaxda Dawlada degaanka Soomaalida Itoobiya Ee Jigjiga, Duqu waxa uu Ilaahey uga baryey inuu janatul fardawsa aclaa ku casuumo oo Raxmaanku qabriga u nuuro, Marti la jecel yahayna ha ka dhigo.

Pro. Cali Khaliif Galeydh waxa uu ka mid ahaa Aqoon-yahanka faro-ku-tiriska ah ee taabo-galey xag dhaqaale iyo xag dhaqanba, Marxuumku Ilaahey ha ka raalli ahaadee waxa uu maan, maskax, maal iyo muruqba galiyey sidii uu u dhisi lahaa qoomiyada Soomaalida ee uu ka dhashey, Mudo dheer ayuu Siyaasi ahaa Saaxada ku jirey kaasi oo masuul ka noqdey Kuraas badan oo Soomaalida loo ga taliyo, Sidoo kale waxa uu ka soo qayb qaatey dib-u-curashadii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland ee Qaranka weyn dhidibada loogu taagey.

Ugu danbayntii waxa uu Gudoomiyuhu si gaara uga tacsiyadeeyey qoysaskii, qarabadii, walasadii iyo Qaranka Somaliland ee uu Marxuumkaasi ka baxey iyo dhamaan umada Soomaalida. Ilaahey dhamaanteen iyo dhamaantoodba Samiriyo iimaan Saadiqa ha inaga siiyo Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin Allaahu-ma-aamiin.

Xafiiska War-baahinta iyo Wacyi-galinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley.

Exit mobile version