Askari ka Tirsan Ilaalada Taliyaha Booliska Somaliya Oo Dil Geystay.

Aadan Ibraahim Shamiindo oo katirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saakay askari kale waxa uu ku dilay Gudaha Magalada muqdisho .

Dilka ayaa waxa u kadhacay guriga taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kuyaala degmada Cabdi Casiis ee gobalka banaadir.

Askariga la dilay iyo kan dilka u geystay ayaa waxa ay kawada tirsanaayeen ilaalada taliyaha Ciidank Booliska Soomaaliyeed Janeral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wararka la helay ayaa waxa ay sheegayaan in askarigii dilka u gaystay askariga kale uu goobta isaga baxsaday markuu falka gaystay kadib.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Cabdul Caiis weli kama hadlin dhacdadaasi kadhacday Guriga taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.