AYUXU JIIDALIBU U KUUNBONAYA

Sidaan sheeko ku hayo ayaxu marku dhulkeena yimaado wuxu ku so horeyn jirey JIIDALI oo ah bariga somaliland halkaasu ugxanta ku aasan jirey waanu ku danbeyn jirey marku dib u noqonayo deedna ayax kasta o duulaya waxa loo arkayey inu ku hamiyayo tegida jiidali ereyga kumboonaya wa wuu ku hamiyaya
Nimanka kulmiye ee aflagaada qaawan la jooga media wa ayaxii jiidaliyeed xaalkoodu wa daahir yaa- shamis madaarkaad ka degi lahaydna hubaal hebel iyo hebel way sii xaadhayaan ninkii socdow lagu fasax.

Anigoon ka xumayn inuu ragu damaciisa muumjiyo hadana somaalidu waxay tidhaa GEESI IL-BUU DIRIRAA loona jeedo markaad dagaal gelayso af iyo adin Kuu doono ha ahaadee waa inaad hubsiimo ku dartaa si aad isaga ilaaliso Guuldaro ,saaqidka siyaasaduna waa ka ugu guuldarada badan uguna guuldarada xun cabdilahi cabdi shube waxa Laga hayey (( ROOB MAGAALO KU HOORAY RAMAD SOO BIXIN-MAAYE LAAMIDU KU RAFTA )) siyaasiga saaqidka ahina kalsooni la’aanta naftatiisa awgeed markuu ka gudbi wayo caqabadaha siyasadeed ee so wajaha reerbuu ku raftaa iyo hadalada loo yaqaan (( Cantarabaqash iyo huuhaada )) reerkayaga loo jeeda, maxa sidan iyo sidan deedna wuxuu xooga Saaraa cayn, canbaareyn aflagaado aan ku koobnayn cabashadiisa ee wuxu u gudbaa reer dhan oo sheekh iyo shariifba leh waxa ka sheegooda oo qaarkood waxba ka aqoon siyaasada maasadaydi dhan-xiir waxa ku jirey tuduc odhanaya (( marka uu xumo doonku dadka uu xaslanwaayo xaafadbu ku ordaaye maxaa keenay
Xumaantiyo aflagaada xoogan

Waxa hubaal ah raga hadlayaa inay ahaayeen niman dawladii Ahmed siiranyo si khaldan oo cay iyo canjarafayn ay dawlada ku wadeen mansabyo lagu siiyey ama ahmed siiranyo da’i haka daba timaado ama xanuun hasababee inay gacanyarayashisii si iska aamusiin ah xoolihi umada ugu gacangeliyeen mansabyo iyo xoolo baad ah lagana Samir-layahay midhihii doocaan ee durduurta ahaa

Waxaan leeyahay raga isleh geedka sidii hore u ruxa inay wax ka soo daataan haduu ahmed siiranyo ahaa gob midho macaan kani waa galool mudhay midho iyo caleeni-toona kama soo daataan maroodiguna ma jabiyo ee yaan loo dardaarwarin awrku marku doobta rido qaalinamadu debeday u daataan wali laysma gaadhin Wali fajaasadi baarqabku way hadhay wali waa doobtii caruur ka cabsiinta

Wa daljir

Ibrahim Adam Elmi (( qumaash ))

Uk

Exit mobile version