Bannaanbax looga soo horjeedo Faransiiska oo ka dhacay Burco

Magaalada Burco ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dalka Faransiiska.

Dadka ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron .

Weriyaha BBC-da ee Bargeysa Sidiiq Muxumad Burmad ayaa sheegay in bannaanbaxu uu markii hore ahaa mid yar, balse ay marba marka ka dambeysay dadku soo kordhayeen.

Dadka ka dhex muuqday dibadbaxa waxaa ka mid ah ganacsatada magaalada oo sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”

xigasho bbc