Belgium “Dhakhaatiir Qabta Covid Oo Laga Codsaday In Ay Shaqada Ku Laabtaan”

Dowladda Belgium-ka ayaa ku dhawaaqday in dalkaasi markale lagaliyay xaalad bandow ah si looga hortago faafida xanuunka Covid-19 oo wadankaasi kusoo laba kacleeyay.

Dadka ayaa lagu amray in aysan guryahooda soo dhaafin marka laga reebo in ay usoo baxaan waxyaabaha daruuriga.

Dhakhaatiir qabta xanuunka Covid ayaa laga codsaday in ay ku laabtaan shaqada, hadii ayna qabin calaamado adag, iyada oo laga cabsi qabo in ay burburaan, qaar ka mid ah dagmooyinka dalkaasi hanaankooga caafimaadku, kadib markii ay bateen dadka loo adeegaayo ee uu soo ridanayo xanuunku.

Fayraska-Karona ayaa kusoo laba kacleeyay wadamo badan oo dunida kamid ah gaar ahaan kuwa dalalka qaaradad Yurub.

Dowladda Belgium ayaa sheegtay in xayiraadaha cusub looga gon leeyahay sidii looga hor tagi lagaa in xanuunka uu ku faafo si sahlan.