Biden oo is barbar dhigay Kim Jong-un iyo Hitler

Inkastoo ay dooddii xalay ka qaboobeyd tii hore ee ay yeesheen musharraxiinta madaxtinnimada Mareykanka ee Trump iyo Biden, haddana waxaa jiray hadallo kulkulul oo la is dhaafsaday.

Joe Biden ayaa cambaareeyay xiriirka uu Donald Trump la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, isagoo dadkii doodda la socday u sheegay in Trump had “uu aqoonsaday Kuuriyada Waqooyi”.

“Wuxuu ka hadlayaa saaxiibkiis [Kim Jong-un], oo ah tuug. Wuxuu ka hadlayaa inay sidan noo fiican tahay iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay awooddo inay soo gento gantaal gaari kara carriga Mareykanka.”

Waxaad xusuusan kartaan kulankii uu Trump la yeeshay Kim sanadkii 2019, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo cagta dhiga Kuuriyada Waqooyi. Horraantii sanadkaas, Trump wuxuuka baxay shir ay labada dal yeesheen, markii ay ku heshiin waayeen arrimaha nukliyeerka.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Biden, ayuu Trump sheegay in Mareykanku uusan dagaal kula jirin Kuuriyada Waqooyi. “Waxaan leennahay xiriir wanaagsan,” ayuu yiri, isagoo intaas ki daray inuu aaminsan yahay inay wax wanaagsan tahay in madaxweynayaashu ay xiriir fiican la yeeshaan hoggaamiyeyaasha caalamka.

Biden ayaa ku jawaabay: “Xiriir wanaagsan ayaan la lahayn Hitler kahor inta uusan qabsan Yurub. Waa ku sidee.”