Ciidamada Dowlada Somalia Oo Awood Uga Bur-burisay Dad Dhistay Dhul Uu Lahaa Ina Siyaad Barre.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ciidamada dowlada Soomaaliya oo wata katarabiilo bur burin ku bilaabeen xaafada Imbagaati ee kutaala degmada Afgooye.

Dadka degan xaafadan ayaa saakay mar qura ka war helay ciidamo hubeesan oo bur burin ku bilaabay guryahooda, waxaana ciidamada dadka u adeegsanayeen awood iyagoona guryaha ka saarayay kadibna bur birinayay guryaha.

Muuqaalo lasoo duubay ayaa laga arkayay dadka qaar oo caruurtooda guryaha kala soo baxaya iyo agabyo yar yar ee gacanta ku qaadaan karaan , waxaana guryaha lagu dhax bur burinayay alaabaha dadka qaar guryaha u yaalay.

Guryaha la bur burinayo ayaa kuyaala agagaarka Kontaroolka Baar Ismaaciil gaar ahaan dhul ay lahaayeen Ciidamada Asluubta, waxaana dhulkan sheegtay in uu leeyahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Dadka guryaha laga bur burinayay ayaa sheegay in awood ciidan iyo mid qabiil loo adeegsaday lana dhibaateeyay, waxa ayna ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha in ay soo faragaliyaan dhibaatadan lagu hayo.