DAAWO Madaxweyne Biixi Oo kormeeray Dugsiga Sheekh iyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn kusoo maray dugsiga hoyga ah ee degmada Sheekh oo ay ku jiraan arday tiro badan oo halkaas wax ka barataa.


Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wefti ah oo ku wehelinaysa safarkiisa, ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyey maamulka sare ee dugsiga, waxana uu mid mid u galay fasallada kala duwan ee dugsiga oo ay waxbarashadu si toos ah uga socotay.

Xaaladda guud ee dugsiga iyo hannaanka ay waxbarashadu u socoto, ayuu madaxweynuhu u kuurgalay, waxana warbixin halkaas ku siiyey maamulka dugsiga, iyada oo qaar kamid ah Ardayda dugsigaas ku jirtaana madaxweynaha uga xog-warrameen dedaalkooda waxbarasho iyo nidaamka ay duruustu ugu socdaan.

Wa-Bilaahi Tawfiiq